gabay wacdi

May 25, 2008

Gabay: wacdi

—————————————————————————-
Gabaygan waxa weeye wacdi iyo Alle xasuusin . Maxamedna jacaylka uu diinta u qabo halkan ku muujinya Waxuu yidhi:-


Nimanyahow adoomaha badhkood, male aqoon wayne
Kolba waxay arkaayaana waa, ku arin qataane
Mana oga amuuraha Ilaah, inay ahaadaane
Asmaa’iga qur’aankiyo sharcigiyo, aayadiyo diinka
Kutubaha war lagu soo ebyee, uunka wada gaadhay
Ogaadaay ninkii ka anfiyaa, aayatiin malehe

Aadaanka gabay waanigii, aaladayn jiraye
In dhawayd ma uugaaminin, or iyo geeraare
Ogaadaay anaa iska edbiyee, igama oodnayne

Maral lagu arkaayiyo ninkii, cuduri naafeeyay
Kol haddaan asiib looga dhigin, aramidaa haysa
Oon lagu ayimin iilku waa, lagama oolaane
Ogaadaay mar unbuu caafimaad, ku istareexaaye

Haddaad aragto aadmiga nimaan, ubad u ciidmaynin
Oon aduunyo u godlayn, adhiyo geel toona
Ogaadaay mar unbaa irsaaq loo furaa, bari ka aasnayde
Ogaadaay adoomaha marbuu, ugu il roonaane

Aabiga libaaxuba wuxuu, ayda sarre maaxo
Ugaadh iyo aduunyaba hadduu, waayo ka abaado
Arsaquu lahaan jiray marbuu, amarkii siiyaaye
Ogaadaay abeer lala damcuu, adhaxda gooyaaye

Axad waabari toomantoo, dunidu aafowday
Olal kacay arlaa’iga dhulkoo, laga amaan waayey
Kol unbaa sabaan aarantaa, ararta doogayne
Ogaadaay alaaliga baxdaan, ku intifaacnaaye

Jilaal abaaraad hadduu, adhigu kaa liico
Ama khoof diraaceed haddii, lagugu aaheeyo
Ogaadaay ayaamaha gu’ baa la irkan doonaaye

MU’MINIINTII AAN REER MAKKA AHAYN

May 17, 2008

<><><> 

Casharka 25aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

MU’MINIINTII AAN REER MAKKA AHAYN Rasuulka SCW markuu arkay in reer Makka ay xaqii qaadan la’yihiin, ilaa intii hore u islaamtay maahane, ayuu bilaabay inuu xoogga saaro dadka meelaha kale duwan ka imaanaya oo xajka u imaanaya. In kastoo ay shayaadiintii Makkana faafinayeen dacaayaddoodii, haddana Rasuulka SCW kama suulin inuu dadkaas dacwada gaarsiinayo.

Maalin ayuu wuxuu la kulmay nin la oran jiray Suweyd ibnu saami oo ahaa nin caan ku ahaa gabayga oo ka yimid magaalada Madiina. Wuxuu Nabigu SCW ninkaas u bandhigay islaamka hase yeeshee Suweyd wuxuu ku jawaabay: “Waxa aad taqaanno aniguba waaan aqaannaa”. Rasuulka SCW wuxuu yiri: “maxaad taqaanaa?”, Suwedna wuxuu yiri: “waxaan aqaannaa xikmaddii Luqmaan”. Rasuulku SCW wuxuu ku yiri: “akhri’, Suweydna, wuxuu akhriyey gabaygiisii iyo wuxuu yaqanney. Rasuulka SCW markuu ka dhegaystay ayuu ku yiri “warkaad sheegayso waa wanaagsan yahay laakiinse waxaan hayo ayaa ka wanaagsan waana qur’aan Ilaahay igu soo dejiyey oo hanuun iyo nuur ah”. Nabigu SCW qur’aankii ayuu Suweyd ku dul akhiryey. Suweyd markuu dhegaystay wuxuu yiri: “waa war wanaagsan wuuna islaamay, markuu Madiiina ku laabtayna wuu geeriyooday.

Abii-darr Al-qafaari, oo ka mid ahaa dadkii degganaa agagaarka Madiina, ayaa markuu maqlay in Makka uu Rasuul Ilaahay soo diray joogo wuxuu soo diray walaalkiis oo uu ku yiri: “u tag ninkaas oo khabar fiican iiga keen”. Ninkii markuu soo laabtay wuxuu ku yiri: “waxaan soo arkay nin dadka kheyrka ugu yeeraya, sharkana ka celinaya”. Abii-dar warkaasi waa ku filnaan waayey sidaa darteed ayuu aadey Makka isagoo doonaya inuu la kulmo Rasuulka SCW soo baxay.

Abii-darr markuu Makka yimid wuxuu degay Xaramka biyaha Samsamkana wuu ka cabbayey oo uu saas yahay ayaa maalinkii dambe waxaa soo maray Cali Binu Abii-Dhaalib, markaasaa Cali la hadlay oo ku yiri: “waxaa la arkaa inaad soo galooti tahay, Abii-Darr ayaa markaa ku jawaabay “haa”, Cali wuxuu yiri “soo bax aan guriga aadnee, Abii-Darrna wuu ka yeelay oo wuu raacay, hase yeeshee Abii-Darr uma uusan sheegan, Calina waxba ma weydiin sidaas ayeyna ku kala tageen. Maalinkii dambe ayaa Cali mar kale soo maray Abii-Darr markaasuu ku yiri: “wali arrintaadii kuuma hirgelin miyaa?” Haa ayuu yiri Abii-Darr, markaasuu Cali yiri, nakici Abii-Darrna waa raacay. Markaasaa Cali weydiiyey oo ku yiri, maxay ahayd dantaad lahayd oo aad u timid magaaladaan? Markaasaa Abii-Darr yiri: “waan sheegayaa haddaad ii qarinayso”. Calina wuxuu yiri: “waan kuu qarin”. Abii-Darr dantiisii ayuu sheegay, markaasaa Cali ku yiri: “waad heshay, halkaasaan gelayaaye iga soo daba gal, hadiise aan arko cid aan kaaga cabsado bannaankaan istaagayaa, waxaana iska dhigayaa sidii wax kabta hagaasanaya, ee adigu iska gudub”. Cali gurigii ayuu toos u galay, abii-Darr waa ka daba galay. Wuxuuna meeshii ugu tegay Rasuulkii SCW markaasuu ku yiri, Islaamka ii sharax, markii uu Rasuulku SCW u sharaxayna wuu Islaamay. Wuxuu markaa Rasuulku ku yiri: “Iska tag oo carradaadii aad, oo noo imow markaad maqasho inaan guulaysanay”. Wuxuu markaa Abii-Darr Rasuulka ku yiri, Ilaahii xaq kugu soo baxshaan ku dhaartaye, inaan Qureysh kala dhex kicin (Islaamnimadayda) markaasuu baxay oo u tegay Qureysh oo Xaramka ka buuxda wuxuuna ku yiri: “Qureysheey waxaan qirayaa Alle mooye Ilaah kale inuusan jirin, Maxammedna yahay adoonkiisii iyo Rasuulkiisii”. Qureysh markay kalimaddaas maqashay ayey hal mar ku yaaceen iyagoo leh “kan iishay qabta”, wayna garaaceen. Waxaa markaa u yimid oo ka qabtay Cabbaas binu Cabdi mudhalib, kuna yri: ‘war hooggiinee, ma waxaad dilaysaan nin reer Qafaari ah. Ma idiin badbaadayaa safarkiinna aad reer Qafaari sii martaan”. Markaasay iska daayeen. Maalin labaaddii ayuu Abii-Darr mar kale Xaramkii tegay oo sidii oo kale ku yiri, iyaguna sidii oo kale ayey ku sameeyeen. Markaasaa Cabbaas mar kale ka qabtay oo sidii ooo kale ku yiri. Dabadeedna Abii-Darr wuu iska tegay oo dhulkiisii ayuu ku laabtay.

Sidoo kale dadkii dacwadaa ku soo islaamay waxaa ka mid ahaa Dammaan Al-Asadi oo ahaa reer Yaman, ahaana nin cudurka dabaysha ku tufa oo daweeya. Markuu Dammaan yimid Makka ayuu maqlay iyadoo la leeyahay nin waalan oo Maxammed la yiraahdo ayaa halkan jooga ee iska jira, markaasuu run mooday hadalkaas wuxuu yiri: “waxaa la arkaa in Ilaahay gacantayda ku daweeyo haddaan u tago oo aan ku tufo”. Dammaan Rasuulka SCW ayuu u yimid oo ku yiri: “Maxammed dabaysha ayaan ku tufaa ee ka waran haddaan wax kugu tufo, waxaa la arkaa in Ilaahay kugu caafiyee”. Rasuulka SCW uusan yaabin Dammaan maxaa yeelay, dacaayadahaas iyo kuwo kale oo la mid ah ayaa Makka laga faafinayey, lagana dhaadhicinayey dadka soo galootiga ha. Dadka badankooduna wax ma hubsadaan mana baaraan ee wixii lagu yiraahdo ayey iska qaataan. Islaamkuna sidiisaba ma oggola in qofku wixii loo sheegaba iska rumeysto isagoo aan hubsan oo aan caddeysan.

Rasuulka SCW wuxuu bilowday hadalkiisii isagoo ku furturanaya iftitaaxa caamka ah oo ah: Ilaah ayaa mahad iska leh, waan mahadineyna waan kaalmo weydiisaneynaa, waana dambi dhaaf weydiisaneynaa. Waxaan Allaah ka magan gelaynnaa naftayada sharteeda iyo acmaasheeda xun. Qofkii Allaah hanuun la doono cid baadiyeyn kartaa ma jirto; qofkuu baadiyeeyana wax hanuunin karaa ma jiro. Waxaan qirayaa in Allaah keliya mooyee uusan Ilaah kale jirin, keligiisna uu yahay, shariikna uusan lahayn. Waxaan kale oo aan qirayaa in uu Maxammed yahay addoonkiisii iyo Rasuulkiisii. Dammaan markuu maqlay kalimmadahaas cajiibka ah ee tawxiidku ka buuxo aad ayuu ula dhacay, wuxuuna ogaaday in xaqiiqadu aysan ahayn sidii lagu yiri, markaasuu yiri “iigu cel”. Markuu Rasuulka SCW mar labaad ugu celiyeyna islaamka ayuu qaatay, wuxuuna yiri “hdal curraafi iyo saaxir waan maqlay weligeyna hadalkaan oo kale ma maqal.

 

DHIMASHADII KHADIIJA

May 17, 2008

Casharka 22aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

DHIMASHADII KHADIIJASidaan ogsoon nahay Khadiija waxay ahayd xaaskii Rasuulka SCW ee ugu horreysey haweenkiisa, carruurtiisa oo dhanna u dhashay Ibraahim maahane, Rasuulka SCW aad ayuu u jeclaa, aad beyna u garab istaagtay Rasuulka SCW mar kasta oo u murugoodana way ka baabi’in jirtey nafteedii, maalkeedii iyo waqtigeediina waxay u hurtay diinta islaama waxayna ahayd qofkii labaad ee ay gaaladu ku qaddarin ugana baqi jireen Rasuulka SCW. Waxay Khadiijo dhimatay waqtigii uu Abii-dhaalib dhintay wax yar kadib.

Khadiijo waxay lahayd fadli aad u tira badan oo aan la soo koobi karin haddiise aan wax ka mid ah soo qaadanno. Maalin ayaa malaku Jibriil u yimid Rasuulka SCW markaasuu ku yiri “Rasuulkii Allow tani waa Khadiijo oo wadda weel uu ku jiro cunto ama cabbitaan ama iidaan, hadday kuu timaaddo gaarsii salaan xagga Alle ka timid uguna bishaaree guri Jannada ku yaalla oo ka samaysan Lu’Lu’ oo aan dhib iyo daal lahayn”. 

Ugu dambayntii Khadiijo wuxu Ilaahay oofsaday sannadkii 10aad ee soo diritaankii Rasuulka SCW iyadoo jirta 65 sano, Nabiguna wuxuu jirey 50 sano, waxayna wada joogeen 25 sano. Sannadkaas ay iyada iyo Abii-dhaalib dhinteenna waxaa la yiraahdaa Sannadkii Murugta, waxaana Rasuulka SCW soo foodsaartay dhib aad u weyn maxaa yeelay waa labadii qof oo ay gaaladu Rasuulka SCW ugaga hakan jireen.

Hase yeeshee Rasuulku SCW iyo asxaabtiisu uma jixinjixin dhib kasta oo ku timaaddda, Allahna qur’aank ayuu intaa ku soo dejinayey uu ku boorrinayey iney ku sabraan dhibka ogaadaanna iney ciribta dambe iyagu iska leeyihiin. Rasuulka SCW wuxuu sannadkaas 10aad markay Khadiijo dhimatay Sawda bintu Samca oo ka mid ahayd muslimiintii hijradii labaad ee dhulka Xabashida aaday ninkeediina halkaas ku dhintay.

 

CUNAQABATAYNTII REER HAASHIM IYO REER MUDHALIB

May 17, 2008

Casharka 20aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

CUNAQABATAYNTII REER HAASHIM IYO REER MUDHALIBOdeyaashii qureysh markay arkeen in aan Nabiga SCW marna u soo dabcayn, boqortooyo iyo wax walba oo loo ballanqaadana uusan doonayn, diintiisiina ay soo xoogeysanayso, rag khatar ahna ayba raaceen, hadday sidaa ku sii socotana ay rag badan oo kale raaci doonaan, ayey ku laabteen ficilkoodii hore oo kordhiyeen dhibkii ay Nabiga SCW ay u geysanayeen gacanna ula tageen.

Abii-dhaalib markuu arkay waxay qureysh samaynayso iyo go’aanka ay gaareen oo ah iney Nabiga SCW dilaan, wuxuu isugu yeeray reer Haashim iyo reer Mudhalib wuxuuna ku yiri “xaal meeshuu marayo waad aragtaan iyo in la rabo Maxammed la dilo, Maxammedna idinkuu idinka dhashay cid kale oo difaaceysaana ma jirto haddaba waa inaan difaacnaa dhammaanteen”. Go’aankii Abii-dhaalib waa la qaatay oo labadaas reer waxay go’aan ku gaareen in kooda muslimka ah iyo kooda gaalka ahi ay difaacaan Nabiga SCW Abii-lahab oo diidey maahee. Qureysh markay go’aanka labadaas reer ay wadajirka u qaateen oo ah iney Nabiga SCW difaacaan waxay isugu yimaadeen shir ay arrintaa ku falanqeynayaan, ugu dambayntiina waxay soo saareen go’aan adag oo ah in cunaqabatayn lagu soo rogo labadaas reer, warqado ayeyna go’aammadii ku qoreen kuna dhejiyeen kacbada. Go’aammadaa waxaa ka mid ahaa: inaan wax laga gadan karin lagana iibin karin, inaan loo guurin karin lagana guursan karin, inaan lala macaamaloon karin lana caawin karin.

Labadii reer waxay iyaguna go’aansadeen in aan loo jixinjixin arrimahaas ay qureysh soo saartay, mowqifkoodiina waxba ka beddelin, Abii-dhaalibna wuxuu go’aamiyey in la dego kayntii uu degganaa iyo in la ilaaliyo Rasuulka. Abii-dhaalibna wuxuu sameyn jirey, habeenkii Rasuulka SCW ayuu gogoshiisa ku seexin jirey, gogosha Rasuulka SCW qof kale ayuu seexin jirey. Cunaqabatayntan oo bilaabatay bilowgii sannadki 7aad ee soo diriddii Rasuulka SCW waxay socotay saddex sano ilaa laga gaaray sannadkii 10aad. Waxaa labadaas reer la soo gudboonaatay dhibaato iyo baahi aad u daran ilaa ay caleenta iyo haragga ka cuneen, dhawaqa carruurtuna uu guryahooda ka baxayey.

Sannadkii 10aad horraantiisii ayey cunaqabataytii dhammaatay oo laga takhalusay. Habka looga takhalusayna wuxuu ahaa, nin la oran jirey Hishaam ibnu Camar ayaa markuu arkay dhibaatada iyo dulmiga lagu hayey reerahaasi meesha ay gaartey iyo inaan loo dulqaadan karin waxay qureysh samaynayso ayuu is xilqaamay oo u istaagay siduu arrintaa ku tirtiri lahaa, wuxuuna uu ugu horreyntii u tegey nin la oran jirey Suheyr ibnu abu Ummaya oo ay dhashay Caatika bintu Cabdimudhalib markaasuu ku yiri “waxa aan samaynayno ma wax loo dulqaadan karayo ayey kula yihiin, mase ku raalli noqotay inaad dheregto abtiyaashaa iyo habaryarahaana ay meeshaa ku gaajoodaan.” Markaasuu Suheyr yiri “Anigaa nin keliyaan ahaye maxaa samayn karaa.” Hishaam wuxuu yiri “Anigaa kula jira cid kalena waa raadineynaa”. Wuxuu u tegey saddex nin oo kale oo arrintii ka dhaadhiciyey dabadeedna shantoodii ayaa tashaday. 

Subixii dambe markii kacbada la isugu yimid ayaa Suheyr intuu si fiican u soo lebbistay oo kacbada dawaafay ayuu yiri “warqaddaas xunta ah oo daallimadda ah dadkana baabi’isay bari baan ka nahay.” Abii-jahal baa soo boday oo yiri “been baad sheegtay lamana baabi’inayo”, shantoodii mid kale oo ka mid ah ayaa ka daba hadlay oo ku yiri Abii-jahal “adigaa ka been badan ” intuusan Abii-jahal weli hadlin ayaa midkii saddexaad yiri “labadaas nin ayaa run sheegay wax kale ninkii ku jawaabaana been ayuu sheegay, kii shanaad ayaa sidoo kale u hadlay. Abii-jahal markuu arkay intaas oo nin oo iska daba hadashay oo weliba xamaasadaysa, wax kale oo ka dambeeyana uusan garanayn ayuu yiri “arrinkaan meeshaan meel aan ahayn ayaa lagu soo qaatay xalay baana loo soo dhiray” sidaa ayaa warqaddii kacbada ku dhegganayd oo qodabbadii cunaqabtayntu ay ku qornaayeen loo baabi’iyey, cunaqabatayntiina ku dhammaatay. Waqtigaasu wuxuu ahaa bishii Muxarram sannadkii 10aad marka laga soo bilaabo soo diriddii Rasuulka SCW.

 

Sharax Kooban oo kusaabsan lixda tiir ee iimaanka

May 13, 2008

 bismillaah walxamdu lillaah wabacdu walaal kayga muslim ka ahow waxan rabaa inaan halkan kugu soo gudbiyo qayb kamid ah xadiithka jibriil een wada garanayno , waana qaybta ka hadlaysa lixda iimaanka

(1) wuxu yidhi nabigu(scw)(iimaanku waa inaad rumayso Alle)micneheeduna waxa weeye inaad alle inuu kaligii yahay rumayso qalbiga iyo carabkaba aad ka rumayso isuna dulayso awaamirtiisa una hogaan santo, go’aana aad ku gaadho inaad u hogaansanto waxa uu alle ku faray , adigoo kana fogaanaya iska kibrin iyo santaag iyo cinaad inaad latimaado, hadaad saa samayso waxad latimid wuxu alle kugu jeclaanayo waxadna ka dheraatay wixi cadho alle kuso jiidi lahaa.

(2) ammaa(rumaynta malaa’igta )waxaa weeye inaad rumayso inta alle magac yadooda u ku sheegay kitaabkiisa aadna rumayso in alle leeyahay malaa’ig kale oo aynaan garanayn tiradooda iyo magacyadooda alle mooyee.

(3) ammaa(rumaynta kutubtiisa)waxa weeye inaan rumayno inta alle magac yadooda inoogu sheegay kitaabkiis sida Towraad, Injiil, iyo Zabuur aanna rumayno in alle leeyahay kutub kale oon kuwan ahayn oo aynaan garanayn,waxana rumaynaynaa Furqaan farqibaana u dhexeeya rumaynta kutubahaa kale iyo keenan Furqaan, rumaynta aan rumaynayno kutubta kale waa inaan qalbiga ka qirno in kutub alle soo dajiyay ay yihiin iyo carabkaba, rumaynta aan rumaynayno kitaabkeena Furqaana waa inaan qalbiga iyo carabkaba ka qirno waxa intaa siidheer inaan inaan wuxu ina farayo raacno wuxu inaga reebayana ka hadhno.

(4) ammaa(rumaynta rususha)waa inaan rumayno inta uu alle inoogu sheegay kitaabkiisa magac yadooda, rumaynana inya jiraan rusul iyo nabiyo kale oo aynaan aqoon, waxaynuna rumaynaynaa nabigeena(scw)Muxamad rumayntaa aan rumaynayno nabigeenana way ka duwan tahay rumaynta aan rumaynayno nabiyada kale, rususha kale saan urumaynayno waa inaan qirno inay yihiin rusul alle soo diraya, amaa nabigeena(scw)saan urumaynayno waa inaan qalbiga iyo carabkaba ka rumayno, rumaynana marwalba wuxu ina faray iyo wuxu inaga reebay, marka hadaan raacno wuxuu inoola yimid waajibaadkana aan gudano xaaraantana aan xaaraan u ictiqaadino xalaashan xalaal shubahaadkana aan ka fogaano khayraadkana aan ku dadaalo, saasaa ah rumaynta rasuulkeena(scw).

(5) ammaa (rumaynta aakhiro)waxa weeye inaan rumayno in laysa soo saarayo dhimasha kadib xisaabina ay jirto, rumaynana mizaanka iyo abaal marinta iyo ciqaabta iyo inay jirto jano iyo naar, rumaynana wax kasta oo alle iyo rasuulkiisu(scw)noosheegen inay maalintaa dhacayso.

(6) ammaa(rumaynta qadarta khayr & sharba)waa inaan rumayno in wixi ina asiiba uuna ahayn mid marnaba inagafi lahaa, wixi ina gafana inuuna ahayn mid marnaba inagu dhici lahaa, waana inaynaan odhan haday saas iyo saas ahaan lahayd saas iyo saasbay noqon lahayd , hadu waxas iyo waxaas jiri lahaana waxaas iyo waxaas madheceen

waana sidaas rumaynta alle iyo malaa’igtiisa iyo kutubtiisa iyo rusushiisa iyo maalinta qiyaamo iyo qadarta khayr iyo sharba
wallaahu aclam
Waxan qoray maalin axad ah September 30, 2000 - 02:00 am

ERGEYGII QUREYSHEED EE RASUULKA SCW U TEGEY

May 12, 2008

Casharka 19aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

ERGEYGII QUREYSHEED EE RASUULKA SCW U TEGEYDuqowdii qureysheed markay arkeen xaaladdu meesha ay ka sii degeneyso iyo ineysan waxba ku joojin karin dagaal iyo xumaan ayey beddeleen go’aankoodii ahaa in Rasuulka SCW la dilo, waxayna bilaabeen iney tartiib iyo wada hadallo ku wadaan hawsha sidaa darteed ninkii la oran jirey Cutba binu abii Rabbiica, oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii qureysh ayaa ku yiri odeyaashii “ka warrama haddaan Maxammed u tago ooarrimo u bandhigo, waxa la arkaa inuu naga aqbalee”, odeyaashii waa ku farxeen waxayna dhaheen waa yahay.

Cutba wuxuu u tegey Rasuulka SCW wuxuuna ku yiri “i dhegeyso wiilkaan adeerka u ahaayow, waad la socotaa sharafta iyo wanaagga aad tolkaa ku lahayd iyo meeshaad ka joogtay, sidaad sidaa u ahayd waxaad la timid arrin weyn oo is haysigii tolkaa kala geeyey, caqligoodiina waa durtay, ilaahyaashoodiina waad ceebaysey, aabbayaashoodii tegeyna waad baadiyeysey, haddaba dhowr arrimod baan kuu soo bandhigayaaye dhegeyso” Rasuulka SCW wuxuu yiri “dheh Abaa Waliid, waan ku dhegeysanayaaye” wuxuu yiri Cutba “wiilkaan adeerka u ahaayow haddaad arrinkaan u samaynaysid maal badsasho, maal ayaan kuu ururineynaa ilaa aad ka noqoto kan noogu xoolo badan, haddaad dooneyso sharafna sayid baan kaa dhiganaynaa, haddaad boqornimo dooneyso boqor ayaan kaa dhiganaynaa, haddii waxa kuu imaanaya uu yahay jinni oo aad jirran tahay dhakhtar ayaan kuu geynaynaa, maalkaygana waa kugu bixineynaa ilaa aad ka caafimaaddo”.

Rasuulka SCW wuxuu ku yiri “ma dhammaysatay abaa Waliid?”, wuxuu yiri “haa”, markaasuu Rasuulka SCW yiri “anna bal i dhegayso” markaasaa Rasuulka SCW bilaabay oo ku dul akhriyey suuatu Fusilat. Cutba markuu qur’aankii dhegaystay ayuu aad ugu khushuucay ka dibna wuxuu yiri “iga jooji”. Rasuulku SCW markuu aayaatkii dhammeeyey odeyaashii ayuu ku laabtay isagoo beddelan. Odeyaashii markay arkeen Cutba oo cagajiid ah oo soo laabtay ayey isu dheheen “Ilaah ayaan ku dhaaranaye, wejigii uu idin kala tegey weji aan ahayn ayuu la soo socdaa”. Ka dib markuu yimid ayaa la yiri “maxaad waddaa?” wuxuu ku jawaabay waxaan soo maqlay hadal aanan weligey maqal isagoo kale, Ilaah baan ku dhaartaye inuusan ahayn sixir, mana ahan curraafinnimo, ee nimanyohow maanta hadalka igu raaca oo ninkaas iyo arrintuu wato faraha ka qaada, waxa uu akharinayana wuxuu la imaan doonaa sha’ni weyn, ninkaasna faraha ka qaada oo isu daaya isaga iyo carabta kale oo hadday dilaan oo ay idinka kaafiyaan waa sidaad rabteen, haduu isagu guuleystana boqortooyadiisu waa tiinna, cissigiisuna waa cissigiinna oo idinkaa iska leh, waxaadna noqon doontaan kuwa dadka ugu nasiib badan”. 

Odeyaashii qureysh oo ahaa niman aan Ilaahay xaqa la doonin si walba oo wax loo tusaaleeyana aan ku qancayn, wax walbana ka hor keenaya madax adayg iyo caniidnimo markay dhagaysteen fikraddaas wanaagsan ee ninkaa odeyga ihi u soo jeediyey waxay dheheen “wuu ku soo sixray oo carrabku kugu soo sixray”. Cutba wuxuu yiri “waa taas aniga taladaydii ee waxaad doontaad sameeya”.

 

ISLAAMIDDII CUMAR BINU KHADHAAB

May 12, 2008

Casharka 18aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

ISLAAMIDDII CUMAR BINU KHADHAABCumar wuxuu ka mid ahaa raggii markii hore islaamka iyo muslimiinta aadka u dhibi jirey, Sannadkii lixaad ee soo diriddii Rasuulka SCW ayuu maalin soo kacay isagoo raba inuu Rasuulka SCW dilo, goor uu dhexda marayo ayaa nin ka hor yimid oo ku yiri “Cumar xaggee u socotaa?”, wuxuu yiri “waxaan rabaa inaan Maxammed soo dilo, maxaa yeelay dadkii buu kala geeyey”, markaasuu ku yiri “ma waxaad u malaynaysaa haddii aad disho inaad reer binu Cabdimanaaf ka nabadgelaysid, haddiise aad wax tarayso walaashaa Faadumo iyo ninkeedii Siciid way islaameene maad iyaga wax ka qabatid!”. Cumar ayaa markaa aaday gurigii walaashii isagoo xanaaqsan, markuu gurigii irriddiisii soo marayo ayuu maqlay qur’aan la akhrinayo waxaana guriga joogey walaashiis, ninkeedii iyo Khabaab oo qur’aan u akhrinayey. Albaabka ayuu tegey oo ku garaacay, dadkii guriga ku jirey markay ogaadeen inuu Cumar yahay ayaa Khabaabna dhuuntay, gabadhiina waraaqihii qur’aanku ku yiilley xaseysey (qarisay). Cumar markii guriga laga furay ayuu gabadhii ku yiri “keen wixii aad akhrineyseen”, markey u diideenna Siciid ayuu la dagaallamay, markaasay gabadhii difaacday ninkeedii ilaa uu iyadii dakharro gaarsiiyey. Markii la dagaallamay oo nabarro la is gaarsiiyey, la iskuna xanaaqay ayey dheheen “waxaad doonto samee annagu Ilaah ayaannu rumeyney waannuna islaamnay”. Cumar markuu arkay meeshay xaaladdu marayso iyo dhibkuu reerka u geystey siiba walaashiis, ayaa naxariis qabatay, markaasuu tartiib ula hadlay oo yiri “i tus waxaad akhrineyseen”, waxay dheheen “waxaad tahay nijaas ee soo qubeyso haddaad rabtid inaan ku tusno”, wuu soo meyrtay markuu soo taabtayna waraaqdii ay akhrinayeen oo ay ku taallay suuratu Dhah ayey u dhiibeen. Cumar markuu suuraddii akhireyey ayuu yiri “hadalkaan waa hadal cajiib ah”.  

Khabaab oo dhuumanayey ayaa markuu maqlay hadalka Cumar iyo siduu u soo dabcay ayuu soo baxay oo ku yiri “Cumarow waxaan rajaynayaa iney kugu dhacday ducadii Rasuulka SCW kolkuu lahaa “Ilaahow laba Cumar (Cumar binu Khadhaab iyo Abii-jahal) midkaad kheyr ku og tahay islaamka ku xooji”. Cumar intuu durba aad isu beddelay oo Ilahay qalbigiisa hanuun ku soo riday ayuu yiri “xaggee joogaa Nabigii?”, markaas ayaa loo tilmaamay meeshuu joogo. Cumar isagoon weli hubkiisii iska dhigin ayuu meeshii tegey oo ku garaacay gurigii Rasuulka SCW iyo asaxaabtiisu ay joogeen. Asxaabtii markay arkeen Cumar, ayaa la yiri “waa Cumar”, markaasaa Xamsa oo muddo yar ka hor sii islaamay meeshana joogey yiri “soo daaya, hadduu wanaag u socdana waan arkaynaa, hadduu xumaan u socdana seeeftiisaan ku dileynaa’. Cumar gurigii ayuu galay, ka dibna halkaa ayuu ku soo islaamay.  

Cumar iyo Xamsa markay soo islaameen Ilaahay wuxuu muslimiintii siyaadiyey Cissi iyo xoog, xaaladdii Makkana way is beddeshay. Cumar isla markiiba wuxuu qaadey tallaabooyin wuxuuna yri “waxaan is weydiiyey ninka dadka ugu neceb islaamak markaasaan xasuustay inuu Abii-jahal yahay, markaasaan gurigiisii ugu tegey oo ku garaacay, albaabka ayuu iga furay oo i soo dhoweeyey yirina “maxaad iigu timid Cumar”, waxaan ku iri “waxaan kuugu imid inaan ku ogeysiiyo inaan islaamay oo rumeeyey Alle iyo Rasuulka SCW , waxaan haysan jirneyna aan beeniyey”, Abii-jahal intuu naxay ayuu yiri “waxaad la timid baa xumaaday” gurigii buuna ku cararay. Sidoo kale wuxuu Cumar yiri “waxaan is weydiiyey ninka ugu warqaadka badan reer Makka oo dadka oo dhan hadalka gaarsiin kara, waxaan xasuustay inuu yahay Sumeyn ibnu Camar al-juhani”, markaasaan u tegay oo ku iri “waan islaamay ” markaasuu u qeyliyey isagoo leh “Cumar ibnu Khadhaab waa iishay” Cumarna wa ka daba hadlay isagoo leh “ma iilane waan islaamay”. 

Waxaa kale oo Cumar sameeyey markuu islaamay ayuu Rasuulka SCW ku yiri “Rasuulkii allow sow xaq kuma taagnin, waa inaan baxnaa oo dhammaanteen aan kacbada ku soo tukannaa”, Rasuulkuna SCW waa ka yeelay, markaasaa waxaa soo baxay asxaabtii oo laba saf ah oo safna Cumar ku jiro safna Xamsa. Qureysh talo ayaa ku caddaatay waxayna ka caroodeen waxyaalaha uu Cumar sameeyey, waxay markaa ku tashadeen ineyba dilaan hase yeeshee waxaa arrintaa is hor taagay Cumarna gaarsiiyey Caas ibnu Waa’il.  

Allaah wuxuu u soo hooyey dadkii muslimiiinta ahaa cissi waxayna bilaabeen in waxyaalo badan oo ay la dhuuman jireen ay bannaanka soo dhigaan siduu Bukhaari ka weriyey Cabdullaahi ibnu Mascuud inuu yiri “kama aannaan suulin cissi intuu Cumar islaamay”.
 

 

ISLAAMIDDII XAMSA BINU CABDI MUDHALIB

May 12, 2008

Casharka 17aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

ISLAAMIDDII XAMSA BINU CABDI MUDHALIBXamsa binu Cabdimudhalib oo ah Nabiga SCW adeerkiis sida uu ku islaamay waxay ahayd, maalin ayuu ugaar doontay intuu gammuunkiisii iyo qaansadiisii qaatey, goor uu ugaarashadii jiro ayuu Abii-jahal Rasuulka SCW aad u caayey gacanna ula tegey. Markuu Xamsa soo laabtay ayaa arrintii loo sheegay oo lagu yiri “haddaad arki lahayd maanta Abii-jahal waxa uu ku sameeyey wiilkaad adeerka u ahayd waad yaabi lahayd”, Xamsa markii arrintii loo sheegay loo sheegay ayuu xanaaqay markaasuu dhaqaaqay isagoo qaansadiisii iyo gammuunkiisii wata wuxuuna tegay kacbada oo ay fadhiyaan Abii-jahal iyo rag kale oo qureysh ah, markaasuu caayey Abii-jahal dhinaciisa fadhidey soo yaacday si ay Xamsa u waxyeelleeyaan. 

Abii-jahal ayaa markaa hadlay oo yiri “iska daaya waa gartiise, anigaa wiilkii uu adeerka u ahaa dhib u geystaye”, iyadoo Abii-jahal sababtuu sidaa u yeelayey ay ahayd biqid uu ka baqayey in Xamsa islaamo ama ay arrintu gaadho heer laboa qabiil loo kala safto.  

Xamsa oo xanaaqsan ayaa hadlay oo yiri “wiilkaan adeerka u ahaa baad dhibaysaa, anigu diintiisaan qaatay”, sidaas ayuu Xamsa ku islaamay.

 

U TEGITAANKII ABII-DHAALIB

May 12, 2008

Casharka 15aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

U TEGITAANKII ABII-DHAALIBQureysh markay tallaabo walba oo ay qaadday, oo ay rabtey in ay dacwada islaamka ku joojiso, ay u suurtageli wayday, dacwadii islaamkuna ay marba marka ka dambeysa sii fideyso, dadka raacayana sii badanayo, ninka ka dambeeyaana uu yahay Nabi Maxammed SCW oo ay uga heybeysanayeen adeerkiis Abii-dhaalib oo ay hore ugu tageen waxna aan ka qaban Nabi Maxammed ayey mar labaad ku noqdeen waxayna ku dheheen “Abii-dhaalibow waxaad tahay nin oday ah oo sharaf agtayada ka leh hadda ka horna waan kuu nimid annagoo kaaga dacwooneyna wiilkaad adeerka u tahay, hase yeeshee nagama aadan qaban oo kaalintaadii waad ka soo bixi weydey, haddaba ilaah baan ku dhaarannaye ku sabri mayno mar dambe wuxuu nagu samaynayo wiilkaad adeerka u tahay, oo ah aabbeyaashayo oo la caayo, ilaahyadayada oo wax laga sheego iyo caqligayaga oo la duro, marka ama naga qabo ama noo daa”, Abii-dhaalib dacwadaas ay odeyaashu ula yimaadeen oo ka dhex taagan wiilkiisa iyo tolkiis aad ayey u cusleysey, wuxuuna u yeeray Rasuulka SCW oo ku yiri “adeer reer tolkaa waa ii yimaadeen sidaasayna i yiraahdeen baaqi yeel naftayda iyo naftaada, waxaanan awood u lahaynna ha igu kallifin”. Rasuulka SCW markuu dhegaystey fikraddii adeerkiis u soo jeediyey, arkayna in adeerkiis ka soo dabcay mowqifkiisii hore ayna dhici karto inuu ka baxo garabkiisa, cadaadiska tolkiis uga yimid awgiis ayuu ku yiri “adeer Ilaah ayaan ku dhaartaye ma awoodo in aan ka tago arrinka la ila soo diray, markaasuu abii Dhaalib yiri: “Ilaah baan ku dhaartaye ben ma sheegin wiilkaan adeerka u ahay weligiis e iska noqdo”.

Ka dibna Rasuulka SCW meeshii ayuu ka istaagay isagoo ilmo ay indhihiisa ku soo joogsatay waayo arrinka uu maanta adeerkiis soo jeediyey waxaa weeye in xaqa iyo diinta laga haro oo kufri la raaco. Abii-dhaalib markuu arkay go’aanka kama dambaysta ah ee uu Rasuulka SCW qaatay ayuu u yeeray oo ku yiri “adeer Ilaah baan ku dhaartaye kuma ay soo gaarayso awooddoodu (dhibkoodu) ilaa ciidda la igu xabaalo ee amarkaaga la jahar wax dhib ahi korkaaga ma ahaanayso, kuna bishaarayso indhahaaguna ha ku qaboobaan sidaas”.

Madaxyaweyntii qureyshee d markay arkeen Abii-dhaalib inuusan waxba ka qaban arrinkii ay ula tageen, Nabi Maxammedna SCW uu weli ilaahyadoodii iyo diintoodii uu ku sheegayo baadi uguna yeerayo iney Ilaah kaliya caabudaan ayey mar saddexaad Abii-dhaalib ku laabteen waxayna ku dheheen “Abii-dhaalibow waxaad tahay nin akhyaar ah wiilkaagana wuxuu samaynayo waad la socotaa, adiga laftaaduna nala diin baad tahay oo m araacsanid diintiisa haddaba wiilkaan dadkiieennii kala geeyey oo diinteennii ku ciyaaray noo dhiib aan kaa kaafinnee, (dilnee) adigana waxaan kuugu beddelaynaa wiil kale oo uu dhalay Waliid abnu Muqiira oo la yiraahdo Cimmaara, oo ah wiil aad u fiican, marka qaado wiilkaas noloshiisa iyo diyaadiisaba”, Abii-dhaalib wuu ku qoslay wuxuuna yiri “ma waxaad iigu timaaddeen inaan wiilkiina idiin koriyo, keygana aad dishaan”, meeshiina waa lagu kala tegey.

 

HIJRADII LABAAD EE DHULKA XABASHIDA

May 12, 2008

Casharka 14aad ee Kitaabka Siirada Nebiga Muhammed SCW

HIJRADII LABAAD EE DHULKA XABASHIDAMarkuu cadaadiskii iyo ciqaabkii lagu hayey dadkii muslimiinta ahaa ee joogey Makka oo aad u kordhay iyadoo waxa lagula dagaaallamayey ay ahayd tawxiidka iyo ciqiidada saliimka aha oo ay qaateen ayaa Rasuulku scw amray asxaabtiisii mar labaad iney dhulka Xabashida u hijroodaan oo sidaan soo sheegnayba uu ka talinayey boqor caaddil ah. Waxaa marka baxay oo hijroday 83 rag ah iyo 18 dumar ah oo ku baxay si qarsoodi ah. Ilaahna waa u fududeeyey jidkii oo nabad qab ayey ku gaareen dhulkii Xabashida.

Madaxdii qureysheed markay maqleen in dadkii muslimiinta ahaa ay dhulka xabashida u hijroodeen iyagoo ah caddad tiro badan, oo tegey meel ay diintooda iyo naftooda ku ammaan helayaan, aad ayay u caroodeen waxayna isla markiiba qaateen tallaabo degdeg ah oo ay uga hortegayaan arrintaas. Waxay direen laba nin oo la kala oran jirey Cumar binu Caas iyo Cabdullaahi ibnu abii Rabbiica, waxayna u dhiibeen hadiyad badan, waxayna ku dheheen “waxaad hadiyaddan u geysaan boqorka Najaashi iyo wasiirradiisa, kuna hormara wasiirrada oo intaad arrinka ka dhaadhicisaan u kaxaysta boqorka, boqorka markaad la kulantaanna waxaad u sheegtaan inuu gacanta idinka soo geliyeo dadkaas isagoo aan ka hadalsiin”.

Labadii nin waa ay baxeen iyagoo xoolo badan oo hadiyaad ah daadihinaya, siday arrintu ahaydna waxay ku hormareen wasiirradii, nin walba oo ka mid ahaana waxay siiyeen hadiyad fiican, go’aankii ay wateen way ka dhaadhiciyeen, ka dibna labadii nin iyo wasiirradii oo wada socda ayaa u wada tegey boqorkii ahaa Najaashi, hadiyaddiisiina waa loo geeyey. Ka dibna labadii nin ee wafdiga ahaa mid ka mid ah ayaa istaagay si uu barnaamijkii ay boqork iyo dowladda Xabashida ugu yimaadeen u soo gudbiyo, wuxuu yir “boqorow waxaa dhulkaaga soo galay niman dhallinyaro ah oo aan caqli lahayn oo diintoodii kuwii u sharaf badnaa oo ahaa odeyaashoodii noogana ogaal badan xaalkooda iyo waxa ay ku ceebeynayaan”. Intaa markay soo bandhigeen labadii nin ayaa waxaa hadalkii qaatey wasiirradiii, oo sidaan soo sheegnayba ahaa niman xoolo cunay waxayna yiraahdeen: “boqoroow run bay sheegayaane u dhiib ha celiyaane”.

Najaashi oo siduu Rasuulka scw sheegayba aha boqor caaddil ah, markuu dhegaystay hadalkii ay soo jeediyeen nimankii wafdiga ahaa ee hadiyadda keenay iyo ayiditaankii wasiirradiisa ma uusan qaadan hadalkoodii kumana kedin arrimaahaasi inu caddaaladda ka tago oo hal dhinac keliya dhegaysto ee wuxuu yiri: “ha la ii keena dhinaca kale”. 

Markii loo tegey dadkii muslimiinta ahaa oo loo sheegay in boqorku rabo ayna yimaadeen niman loo soo diray ayey ka wada hadleen siday u qaabbili lahaayeen arrinkaas, ugu dambeyntiina waxay qaateen go’aankii lagu yaqaanney qofka iimaanka macaankiisa dhadhamiya inuusan qofna uga cabsoon Ilaahay diintiisa waxayna go’aansadeen wax kasta oo ku yimaada ineysan diintooda marna ka soo dabcin. 

Waxayna af-hayeen ka dhigteen Jacfar binu abii-dhaalib oo ahaa Nabiga scw ina adeerkiis, dabadeed boqorkii ayaa loo yimid, hadalkiina waxaa bilaabay Jacfar wuxuuna yiri: “boqoroow waxaan ahaan jirnay dad jaahiliya ah, sanamkaan caabudi jirney, bakhtigana waan cuni jirney, faaxishadana waan la imaan jirney, qaraabadana waan goyn jirney, deriskana waan xumeyn jirney, midkayaga xoogga lehna wuxuu boobi jirey kan tabarta daran, sidaas ayaan ahayn, markaasaa Ilaahay wuxuu no soo diray Rasuul annaga naga mid ah, oo aan naqaan nasabkiisa, runtiisa, ammaanadiisa iyo dhowrsanaantiisa, wuxuuna noogu yeeray Ilaahay keliya inaan waxidno oo aan caabudno kana dhex baxno wixii annaga iyo aabbayaashayo aannu caabudi jirney; sido kale wuxu na amray inaan warka ka run sheegno, ammaanadan gudanno, qaraabdana xiriirinno, deriskana wanaajinno, xaaraamta iyo dhiigga dadkana ka fogaanno; sidoo kale wuxuu naga reebay xumaan oo dhan, markhaati beenaalaha, xoolaha agoonta oo la cuno, gabdhaha dhowrsoon oo la af-lagaadeeyo (qadfo); sidoo kale wuxuu na amray Allaah keliya inaan caabudno oo aanan u shariik yeelin; haddaba Rasuulkaas ayaannu rumeyney waana raacnay wuxuu noo keenay oo Ilaahay diintiisa ah; Ilaah keliya ayaanna caabdunay, waxna ugu shariik yeeli mayno, waanna xarrimnay wuxuu Ilaahay naga xarrimay, waana xalaalaynay wuxuu Alle noo xalaaleeyey; sidaa markaan yeelnay waxaa nagu xad gudbay dadkayagii, way na cadaabeen, diintayadii ayey naga fitneeyeen, waxayna doonayaan inaan bannaysanno xumaataan bannaysan jirnay, markay na dirqiyeen, na dulmiyeen oo ay na ciririyeen oo annaga iyo diintayadii ay kala dhex galeen ayaan waddaankaaga u soo baxsannay oo adiga ku doorannay, derisnimadaadaanna jecel nahay, waxaanna rajayney inaan agtaada nalagu dulmineyn”, intaas markuu Jacfar ku soo koobay hadalkiisii aadka u qiimaha badnaa dhinac walbana wax ka ishaaray, ayaa Najaashi su’aal weydiiyey Jacfar oo ku yiri: “waxa uu Nabigaasi xagga Ilaahay ka keenay wax ma ka haysaa”, Jacfar wuxuu yiri haa, Najaashi ayaa yiri “akhri”, markaasuu Jacfar akhriyey Suuratu Maryam oo si fiican uga hadahsya qisadii Maryam iyo wiilkeedii Nabi Cise.

Najaashi markuu dhegaystey suuraddaas oohin ayuu la dhacay ilaa uu gadhkiisii ka qoyey, wasiirradii meesha fadhiyeynaa sidoo kale way ooyeen markay maqleen Ilaahay aayaatkiisaas. Najaashi ayaa markaas hadlay oo yiri: “waxaad akhriday iyo wixii Nabi Ciise la yimid hal dariishad bay ka soo baxeeen”, ka dibnay wuxuu ku jeestey labadii nin ee qureysh soo dirsatay oo ku yiri “Ilaahay ku dhaartaye inaanan idiin dhiibayn dhibna looma geysan karo”.

Intaas markuu fadhigii ku dhammaaday oo lagu kala dareeray ayaa Camar binu Caas ku yri saaxiibkiisii Cabdullaahi ibnu Rabbiica “Ilaah ayaan ku dhaartaye shirqool ayaan u samaynayaa dadkaas berrito aan ku dabargooyo markaasoo Cabdullaahi ku yiri “ha samynin arrintaa, maxaa yeelay waa tolkeen haba na khilaafaane’, hase yeeshee Camar waa ku adkeystey go’aankiisii wuxuu mar labaad ku laabtay Najaashi isaga iyo saaxiibkiis waxayna ku dheheen “boqoroow dadkaani Ciise ibnu Maryama waxay ka sheegaan hadal weyn”, markaasaa mar kale loo yeeray muslimiintii, markay yimaadeenna Najaashi ayaa hadlay oo yiri “maxaad ka aamminsan tihiin Nabi Ciise?”, Jacfar ayaa u jawaabay oo yiri ‘waxaan ka aamminsannahay wixii Nabigayagu noo sheegay oo ah inuu yahay Ilaahay addoonkiisii, Rasuulkiisii, ruuxdiisii iyo kalimmaddiisii uu Maryama ku riday”, markaasaa Najaashi qori yar kor u qaaday oo yiri “iska taga aammin baad ku tihiin dhulkayga qofkii dhib idiin geystana waa dambiile, mana jecli in la siyo buur dahab ah oo qof idinka mid ah dhib loo geysto”, labadii nin ee qureysh ka socdeyna wuxuu u yiri “ha loo celiyo hadiyaddooda uma baahniye”. 

Ka dibna isagoo hadalkiisii sii wata wuxu yiri “Ilaah baan ku dhaartaye hadda ka hor markii inqilaabka la igu sameeyey ee Ilaahay iiga gargaaray laaluush igama uusan qaadan, qof bini aadan ahna arrinteyda kalama uusan tashan, aniguna arrintiinna laaluushna ku qaadan maayo qof binu aadan ahna ku raaci maayo”. Hadalkaas oo ula jeedo in Ilaahay u gargaaray, asna Ilaahay diintiisa iyo xisbigiisa uu u gargaarayo, sidaas ayaana arrintii ku dhammaatay, wafdigii qureyshna ku laabtay isagoo la murug geliyey, hadiyaddiina lagu soo celiyey, muslimiintiina waxaa Ilaahay siiyey cisso iyo wanaag, waxayna dhulkii Xabashida ku joogeen nabadgelyo iyo wanaag.

Madaxdii qureysheed markii wafdigoodii ku soo laabtay una warramay wixii uu dhulka Xabashida kala soo kulmay ayey aad u caroodeen kana xumaadeen, waxaa kaloo murugo kale ku sii noqotay in Ilaahay diintiisii ay Makka dhaaftay oo ay gaadhay Afrika ammaanna ku heshay, ayna baab’day arrintii ay doonayeen oo ahayd in diintu aysan Makka dhaafin oo ay halkaas ku cabburiyaan.

 


You are viewing a mobilized version of this site...
View original page here

Mobilized by Mowser Mowser